Monday, July 14, 2025

Guddiga Doorashada Federaalka oo ku Adkeystay joojinta Kursiga uu isu sharxay Fahad Yaasiin

Qabashada Doorashada Kursiga HOP086 ayaa sharci darro noqon doonta, haddii ay ku dhaqaaqaan Maamulka Hirshabeelle

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT ayaa mar kale amray in la hakiyo Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo uu musharax u yahay agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal xalay kasoo baxay Guddiga FEIT, kadib markii uu dib ula wareegay Baraha uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter ayuu ku shaaciyey qoraal cusub oo uu xaqiijinayo qabashada shan kursi oo taalla magaalada Beledweyne, iyagoo ka reebay kursiga uu doonayo inuu soo qaato Fahad Yaasiin.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu bogaadinayaa Guddiga SEIT ee Hirshabelle dardar gelinta kuraasta deegaan doorashada labaad ee Beledweyne, hasayeeshee wuxuu farayaa, adkaynayaana qoraalkii kasoo baxay guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee lagu hakiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#086” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT.

Hirshabeelle iyo Guddigeeda Doorashada ayaa ku adkeysanaya inay qabtaan kursiga HOP086, waxaase soo baxeysa inay halis soo wajahday sharcinimada kursiga haddii xitaa uu soo qaato Fahad Yaasiin oo maamulka Hirshabeelle u xireen Kursigaasi.

Guddiga Heer Federaal ayaan aqoonsan doonin natiijada Doorashada kursigan muranka badan dhaliyey, waxayna sidoo kale ka hor istaagi doonaan shahaadda xildhibaannimada, taasoo muranka ka taagan Kursigan uu socon doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON