Monday, June 23, 2025

Guddiga Doorashada FIET oo War kasoo saaray Xafladda Dhaarinta Xildhibaannada Cusub

Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xafladda dhaarinta xildhibaannada cusub ee la qorsheeyay inay dhacdo Khamiista 14-ka April 2022.

Guddiga ayaa ku adkeystay inay sida loo qorsheeyay u dhaceyso doorashada, isla markaana wuxuu farriin u diray xildhibaannada aan weli qaadin Shahaadadda xildhibaannimo iyo aqoonsiga inay degdeg u qaaaan.

“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub. Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni.”

Ad

Guddiga FEIT ayaa farriintan u diray xildibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad “Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas”

Inta badan xildhibaannada laga soo doorto maamulka K/Galbeed ayaa weli qaadan shahaadada, taasoo ay ugu wacan tahay in madaxweynaha maamulkaasi uu sidaasi ka dalbaday, isagoo ka diidan 3 xubnood oo Guddiga FEIT ka reebay xildhibaannada kasoo baxay magaalada Baydhaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON