Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee lagu muran yahay Garabka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la shjaaciyey inay iska dhex doorteen guddoon.
Gudigan DOorahda oo mudo ku xareysnaa Hotel Decale ee gudaha Garoonka Muqdisho ayaa Guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen, halka gudddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.
Guddigan Garabka xukuumadda magacawday ayaa muran ka taagan yahay, iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu dhinaciisa magacabaay Guddi kale oo doorasho si ay u maamulaan Doorashada xildhibaannada ee gobollada Waqooyi (Somaliland).
