Guddiga Doorashoyinka iyo xuduudaha maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqaymuddo kordhin loo sameeyay xilliga is-diiwaan gelinta musharixiinta Madaxweynaha maamulkaasi oo maanta ku ekeyd.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Afar maalmood oo mudo kordhin ah lagu daray xilliga is-diiwaan gellinta musharaxiinta oo hore ay Guddiga u shaaciyeen inay maanta 20-ka July ku egtay, waxayna arrintan ka dambeysay markii la waayey cid is-diiwaan gelisa oo aan ahayn madaxweynaha xilka haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe0
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
