Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay doorashada shan kursi oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Doorashadan oo shanta kursi cod gacantaag ah loo qaaday ayaan wax tartan ah la gelin, sidoo kalena aan loo baahan in la furo Sanaadiiqda lagu codeyn lahaa, Musharixiinta tartanka ka haray ee loo yaqaan ‘Malxiis ayaa dhammaandood ahaa haween.
Doorashada xildhibaannada Somaliland ayaa isu bedeshay gacantaag, ay natiijadii maanta noqotay sida soo socota:
1- Kursiga HOP205: Waxaa ku tartami lahaa Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xuseen Faarax, laakiin waxaa tartankii ka hartay Muna Xuseen, kadibna waxaa cod gacantaag kalsooni siin ah loo qaaday Axmed Cabdi koshin oo helay dhammaan ergadii kursiga oo ahayd 99.
2- HOP263: Waxaa ku tartami lahaa Muuse Siciid Jaamac iyo Khadra Cabdi Maxamed, balse waxaa tartanka ka hartay Khadra Cabdi Maxamed, taasoo keentay cod gacantaag ah lo oqaado Muuse Siciid Jaamac oo helay dhammaan 101-dii Ergay ee Kursiga u codeyn lahayd.
3- HOP240: Waxaa ku tartami lahaa Cali Maxamuud Aadan iyo Rooda Maxamuud Axmed, laakiin waxaa dhacday in Rooda Maxamuud ka hartay Doorashadii, waxaana cod gacantaag ah 98 ergo kusoo baxay Cali Maxamuud Aadan, waxaana ka aamusay 2 ergo.
4- Kursiga HOP271: waxaa ku tartami lahaa Cali Cabdi Ibraahim iyo Farxiya Obsiiye Wacays, waxaase doorashada iyo tartanka ka hartay Fatxiya Obsiiye, kadibna waxaa cod gacantaag 90 ergo ay siiyeen Cali Cabdi ibraahim oo sidaas kusoo baxay, waxaana ka aamusay 3 ergo.
5- Kursiga HOP241 waxaa ku tartami lahaa Cabdiqani Ismaacil siciid iyo Ayaan ismaacil Cabdi, balse waxaa tartanka ka hartay Ayaan ismaacil , waxaana ergo 91 ah ay codka kalsoonida siiyeen Cabdiqani Ismaacil Siciid , halka ay ka aamuseen 9 ergay.
