Guddiga Doorashada Somaliland ayaa bilaabay diiwaangelinta Guddiyada oo xulista ergada shan kursi oo lagu wado inay doorashadooda ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Howsha Guddiga ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ka taagan yahay kuraastan oo Guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu dalbaday in la joojiyo si loo saxo habka loo marayo kuraastaasi, laakiin waxaa muuqata in Guddiga oo hadda kala qeybsan ay qeybta Mahdi Guuleed iyo xubin ka mida Garabka Cabdi Xaashi ay shaqadooda iska wataan.
Guddiga Maamulka Doorashada ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta diiwaan geliyay xubnaha odayaasha iyo bulshada rayidka ee Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta kala ah HOP262, HOP254, HOP255 iyo HOP229.
Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ayaa muddo dheer kala qeybsanaa, waxaana soo kala magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka, laakiin markii danbe waxaa soo baxday in howsha doorashada ay u janjeerto rabitaanka Mahdi Guuleed.
