Gudiga Doorashada Heer Federaal (FEIT) ayaa mar kale ku celiyey inay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka ay dhaceyso waqtigii loo qorsheeyay ee 14-ka April 2022.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo ay wehliyaan, guddoomiye xigeenka guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa kormeeray Teendhada xerada Afisyooni oo la qorsheeyay in munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub lagu qabto, isagoo baaqay xildhibaannada dooran ee aan wali shahaaddada qaadan inay dhaqso isu diiwaan galiyaan shahaaddadana qaataan.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT halkaas oo uu kula kulmay guddoonka iyo howlwadeennada guddiga oo uu uga mahadceliyay sida ay u maareeyeen howsha doorashooyinka, kuna dhiirrigeliyay dhammeystirka howlaha dhiman.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay inay socoto diyaargarowga loogu jiro xafladdii lagu dhaarin lahaa xildhibaannada dooran ee laba aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la kulmay wakiilada beesha calaamka ayaa u cadeeyay inay la dhaarin doono xildhibaannada labada aqal xilligii loogu talogalay intii diyaar ahna ay dhaarin doonaan.


