Thursday, June 26, 2025

Guddiga lagu muransan yahay oo Maamul Goboleedyada ka dalbaday inay bilaabaan Doorashada Aqalka Sare

Guddiga Doorashada Dowladda Soomaaliya ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen maamul Goboleedyada.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

“Guddiga wuxuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare. Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Maamul Goboleedyada taageersan qorshaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inay ku dhiiraan oo ay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, iyadoo maamulka K/Galbeed rajo laga qabo inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON