Monday, June 23, 2025

Guddigii Dib u heshiisiinta Galmudug oo degdeg loogu yeeray [Qaarkood oo gaaray Dh/Mareeb]

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qaar ka mida Guddigii Dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ay magacawaday xukuumadda Soomaaliya uu gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

xubnahan oo ka tegay magaalada Muqdisho ayaa ka degay saaka Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana kusoo dhaweeyay Godoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale, iyadoo ay ka mid ahaayeen Dr. C/raxmaan Macalin Cabdullahi (Baadiyow), Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo xubno kale

Guddiigan oo dhismihiisa ay ka hor yimaadeen qaar ka mida xildhibaannada iyo beelaha Galmudug ayaa u badan la-taliyeyaasha Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna wararku sheegayaan inay la shaqeyn doonaan Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo degdeg ugu yeeray xubnaha guddigan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON