Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Eedeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe & Madaxtooyada Villa Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi  ayaa hadal uu maanta ka jeediyey kulankii Aqalka Sare uga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa  ugu horeyn sheegay in qoraal xalay ay faafisay Madaxtooyada aanu qorin Madaxweynaha, isagoo ku eedeeyay inay qortay gacan seddexaad oo aanu magacaabin.

Wuxuu si weyn u eedeeyay Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada inaysan raali ka aheyn dhexdhexaadinta uu wado Aqalka Sare oo dhinac kasta danahooda gaark ah wataan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi wuxuu si toos ah eedeyn u jeediyay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoo sheegay inuu yahay mas’uulka wax ka socon la’ yihiin caqabaddana ku ah xal u helida khilaafka.

Wuxuu Madaxda Dowlada Dhexe iyo  Dowlad Gobaleedyada ka dalbaday inay u tanaasulaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la dhammeeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON