Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray Qoraal culus oo uu Madaxweyne Farmaajo uga dalbaday inuu Baaris degdeg ku sameeyo sameeyo habkii loo maray ansixinta xeerka Maareynta Maaliyadda Guud.
Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku faahfahiyey sida Guddoomiyaha Golaha shacabka ben abuur uga sameeyay xeerka Maamulka Maaliyadda Guud oo aan ahayn kii wax ka bedelka ay ku sameeyeen Aqalka Sare, wuxuuna dalbaday Baaris Degdega
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa soo bandhigay shax muujineysa Qodobada wax ka bedelka lagu Sameeyay iyo kuwa meesha laag saaray ee ay ansxiiyeen Aqalka Sare.
Arrintan ayaa qeyb ka ah Qorshaha Golaha shacabka kula wareegay awoodii Aqalka Sare, kadib khilaafkii ka dhashay Doorashada dalka.
HOOS KA AKHRISO

