Tuesday, July 1, 2025

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo magacaabay Guddiga Doorshada xildhibaannada Somailand (Akhriso Magacyada)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee 2020/2021 ee xildhibananada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Xubnaha Guddiga Doorashada ee uu magacaabay ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana xukuumadda loo reebay inay ku darsato (3) xubnood sida maamul Goboleedyada kale ee dalka, waxayna magacyada Guddiga kala yihiin:

1- Maxamed Cali C/llaahi
2- Fahad Mubaarak Xaaji Yusuf
3- Aadan Faarax Macalin
4- Seynab Abiib Caqli
5- Naciima cali Obsiiye
6- Khaalid Ibraahim Axmed
7- Ayuub Yusuf Saalax
8- Ismaaciil Xasan C/llaahi

Guddigan ayaa ka hor imaanaya Guddi ka kooban 11 xubnood oo uu hore u magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo maamulaya Doorashada xildhibaananda labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland.

Khilaafka ka taagan Doorashada xildhibaannada ayey Beesha caalamka dalbatay in xal loo helo Doorashada ka hor, wuxuuna Cabdi Xaashi taageero ka helay musharixiinta Mucaaradka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON