Monday, November 23, 2020
More

    Xasan Kheyre iyo Xaaladiisa kala Guurka Siyaasadeed (Madaxa Xukuumadda ilaa Musharax Mucaarad ah)

    Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo hadda ah musharax xilka madaxweynaha ee xilligan ayaa ku biiray mucaaradka, isagoo soo jiitay indhaha taageerayaasha Farmaajo ee shalay la safnaa iyo mucaaradkiisii shalay ee uu maanta kusoo biiray.

    Miisaankiisa siyaasadeed wuxuu keenay in ku wareeraan mucaaradkii uu dagaalka kala dhaxeeyay iyo Muxaafidkii uu kasoo tegay, waxayna labadaba u arkaan inuu halis ku yahay, taasoo laga dareemi karo sida aysan ugu fududeyn inuu la qabsado saaxiibadisa cusub ee godobta ka tirsanaya.

    Ad

    Taageerayaasha Farmaajo waxay u arkaan laacib halis ah oo si bilaash ah ku bixiyeen, dhibaatana gelin kara rajadooda ah in mar kale la doorto Madaxweyne Farmaajo, waxaana durba soo muuqatay in taageerayaashii Nabad yo Nolol ee baraha bulshada laga harsan waayey ay intooda badan Kheyre taageerayaan xilligan.

    Mucaaradka dowladda ee ay ugu horreyaan musharixiinta dadaalka ugu jira inuusan xilka kusoo laaban Farmaajo oo dagaalka siyaasadeed kula jiray dowladda Nabad iyo Nolol waxay dhinacooda Xasan Kheyre u arkaan inuusan wax badan u dhaamin Farmaajo, laakiin ay ku qasban yihiin inay u adeegsadaan dagaalka u danbeeya ee doorashada, iyagoo haddana si la mida taageerayaasha Farmaajo u arka inuu halis gelin karo damacdooda kursiga Villa Somalia afarta sano ee soo socota.

    Si uu Xasan Kheyre Mucaaradka ugu biiro waxay ku qaadatay inuu raaligelin ka bixiyo dhibaatadii ka dhacday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Disembar 2018 oo ahayd mas’uuliyad dowladeed, arrintaas oo si beel ahaan ah loo galay; si uu yaraan shirka musharixiinta Madaxweynaha ay isula jaanqaadaan.

    Madaxweyne Farmaajo iyo in badan oo ka mida Musharixiinta Mucaaradka waxay ka mideysan yihiin in Xasan Kheyre dusha u saaraan mas’uuliyadda wixii ka khaldamay iyo dhibaatooyinkii ay geysatay dowladii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa, waxaans u taxan liis ay ka mid yihiin;

    1- Dhiibistii Qalbi-dhagax iyo Argagixiso ku sheegii ONLF
    2- Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur
    3- Xayiraadii iyo tacadiyadii lagula kacay Madaxweynayaashii hore
    4- iyo arrimo kale oo liiska sii dhereynaya.

    Kooxda Farmaajo waxay u muuqata fursad ay isku furan karaan oo Kheyre dusha u saari karaan wixii gef ahaa ee ay ku kaceen intii ay talada hayeen, taasoo ay rajo ka qabaan inay yareyso taageerada uu heli lahaa iyo halista uu ku noqon karo damaca Kursiga inay dib u hantaan.

    Musharixiinta Mucaaradka oo ua badan kuwo kasoo jeeda Beesha Xasan Cali Kheyre waxay is tusiyeen in Musharaxan uu ciriiri gelin karo, iyagoo ujeedkoodu inay hoos u dhigan fursadihiisa Waxaana xubnaha Mucaaradsan ugu horeeya siyaasiyiinta ay isku heybta yihiin Ra’iisal wasaaraha xilka ugu danbeeyay ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Kheyre oo hadda ku qasbanaaday inuu raaligelintii koowaad bixiyo, waxaa sugaya liis dheer oo marba mid hor imaan doona, si uu raaligelin ga bixiyo ama go’aan uga qaato, wuxuuna weli u muuqdaa inuusan degdeg ula qabsan karin mucaaradnimada marka la fiiriyo hadal jeedintiisa la moodo inuu amarro bixinayo.

    Xasan Kheyra-ha mucaaradka ah waxaa sugaya jid dheer oo laba jiho weerar uga socdo, taasoo aysan wax badan u tareynin taageerada uu Facebook ku heysto, waxaase markii doorashadu xaqiiqo usii dhowaato xoogeysan doona ama hoos u dhici doona saameynta uu leeyahay oo ku xiran hab dhaqankiisa siyaasadeed.

    Faaqidaad Goobjooge

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,143FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,693FollowersFollow
    151,143FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,693FollowersFollow

    TOP NEWS

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    Senator Muuse Suudi: “Mahdi Guled reer waqooyi waa naga celi waayeen, haddii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay”

    Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhaliil u jeediyey Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. "Dad aan dhowri...

    Qoorqoor oo shaaciyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxweyne Farmaajo & Musharixiinta Mucaaradka

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xaqiijiyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal uu...

    14 Musharax oo Puntland & Jubbland ka dalbaday inay bedelaan xubnaha ugu jira Guddiyada Doorashada

    14 Musharax Madaxweynaha war-saxaafadeed ay soo saareen uga dalbaday maamullada Puntland iyo Jubbaland inay bedelaam xubnaha ay u soo madacaabeen Guddiyada Doorashada heer Federaal...

    Mahdi Guuleed oo khudbad hanuunin ah u jeediyey Guddiyada Doorashada ee Xukuumaddu magacawday

    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumaddu magacawday ee qabyada ah. Isagoo xubnaha Guddiyada Doorashada...

    Ciidamada Itoobiya oo Taangiyo ku go’doominaya Caasimadda Tigray iyo Waraaqo digniin ah oo hawada looga daadiyey

    Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa is diyaarinaya dagaalkii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan inay qabsadaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, waxaana diyaradaha Helikobtarka ay...

    XOG: Qoorqoor oo halis ugu jira inuu kala doorto Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta culus ee Beeshiisa

    Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhexda uga jira xaalad adag oo kasoo wajahday musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug, kadib muran ka...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!