Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sharci-darro baal marsan Dastuurka dalka ku tilmaamay qorkii kasoo baxay Guddoomiyaha Golasha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ee Qaraarkii Metelaadda G/Banaadir.
Qoraal uu soo saaray Guddomiyaha Aqalka Sare ayuu si weyn ugu caddeeyay kaalinta Aqalka Sare u taagan yahay Dastuuri ahaan iyo qeybta uu ku leeyahay ansixinta Shuruucda dalka, wuxuun been abuur ku tilmaamay xeerarka Doorashada ee uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka uu wa ka bedel ku sameeyay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci darro ku tilmaamay Qaraarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib u eegista Dastuurka ee Matalaadda Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in qaraarkaasi xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6-aad ee Dastuurka KMG.
Aqalka Sar Sidoo kale Aqalka Sare ayaa uga digay Gudiga Doorashooyinka Qaran inaysan waxba ka qaadan xeerarkaasi inta laga saxaayo khaladaadka jira.
Waxaa kaloo qoralka lagu cadeyay in sharciyadda metellaada Gobolka Banaadir ay u baahan tahay in loo dhameystiro habraaca dastuuriga ah, iyadoo loo marayo Qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG iyo QOdobka 12aad (6) ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal.
