Friday, July 4, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho, kuna sii jeeda magaalada Baydhaba…

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baaralmaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Houmad ayaa goordhoweyd kasoo degay garoonka diyaaadaha magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasirka Dhalinyarada iyo Isboortih Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo, halkaasoo ay uga qeyb galayaan furitaanka Kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed oo xilkeedu dhammaadka yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON