Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ceeb siyaasadeed iyo maamuus la’aan ka soo wajahday socdaalkiisii koowaad ee Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa ka mid ahaa wafdiga madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Camey ee Muqdisho u tegay shirka Madasha iyo arrinta qoonsada Aqalka sare ee beelaha Sanaag Bari iyo Sool, waxaana uu dib ugu laabtay Garowe shalay iyadoo aan maamuus ah iyo soo dhoweyn loo sameyn.
Axmed Cali Xaashi ayaa la sheegay inuu iskiis ugu laabtay Garowe, isagoo la socday wafdigii Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee shalay tegay Magaalada Garowe, waxaana la soo weriyay inaan haba yaraatee loo sameyn wax soo dhoweyn ah, isla markaana aanu saxaafadda la hadlin.
Dhinac Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey ayaa ku sugan weli magaalada Muqdisho, iyadoo socdaalkiisu hore uu ahaa mid qarsoodi ah oo isna wax maamuus ah loo sameyn, waxaana la filayaa inuu sii joogo Muqdisho ilaa shirka Madasha ee 13-ka Bishan.
Waxa iyana maamuus xumo iyo fadeexad siyasadeed ahayd in shirkii madasha aan wax go’aan ah lagu gaarin oo war-murtiyeedkii laga soo saaray lagu sheegay in shir loo dhan yahay madashu yeelan doonto.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ka sheegay Garowe in qaabka ay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka u wajaheen arrinta Muqdisho ay ahayd mi khaldan, taasoo muujinaya in hogaanka sare ee khilaafsan ka dhex taagan yahay.
Goobjooge.com