Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Doorashada Golaha Shacabka oo beeniyay War ay faafiyeen xubno ka tirsan Guddiga..

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa iska fogeeyay war ay faafiyeen xubno ka mida Guddigiisa.

Xubnahana oo xubnood ahaa ayaa saxaafadda u sheegay go’aan ah in Guddiga Doorashada Golaha Shacabka uu isla qaatay in Doorashada Berri ee Guddoonka aanay ka qeyb gelin labada dhinac xildhibaanna lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa caddeeyay in shaqada Guddiga aysan ahayn cidda Doorashda laga reebayo oo ay tahay shaqada Guddoonka KMG ah iyo Xogheynta baarlamaanka.

Warka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada C/risaaq Cumar Maxamed ayaa yimid kadib markii xubno ka mida Guddigiisa ay saxaafadda la hadleen iyadoo go’aan ay qaateen shaaciyey, taasoo la beeniyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON