Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir: “Amniga Caasimadda waa soo hagaagay.., waanse ka xunnahay falkii degmada Wadajir”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu soo hagaagay amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, inkastoo shalay hoobiyeyaal ay Alshabaab ku weerarreen xerada Xalane lagu dilay 5 qof, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Yariisow ayaa farriin uu soo diray baraha bulshada ku sheegay inuu ka xun yahay falkii argagixiso ee ka dhacay  degmada Wadajir, isagoo aan sheegin dakii ku dhintay, wuxuuna ku dooday in amniga caasimadda ee soo hagaagay uu keenay isku xirnaanshaha ciidamada iyo shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay ee Hoobiyeyaasha ahaa, iyadoo 24 saacadood ka dib ay arrintaasi ka hadleen madaxda dowladda. Maamulka G/Banaadir ayaan sidoo kale ka hadlin falalka ciidamada amniga ku dilaan darawallada Bajaajleyaasha ah ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON