Thursday, July 24, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir: “Dhimashada tirada ugu badan waxay ahaayeen Ardayda Jaamacadda Banaadir. Innaa lillaahi…”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa shaaciyey in qasaare weyn uu dhaliyey qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay Ex. Koontarool Afgooye.

Isagoo ka hadlayey goobta qaraxa ka dhacay ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen 90-meeyo qof, isla markaana tirada dhimashada aysan yareyn, wuxuuna intaasi ku daray in dadka ugu badan ee ku dhintay qaraxa ay ahaayeen arday, ayna tirada ugu badan ka dhinteen ardayda Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo uu wehliyo Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in Gaari xamuul ah oo buuxa loo adeegsaday qaraxa is-miidaaminta ah, wuxuuna sheegay inay ka dambeeyeen Alshabaab oo caado ka dhigtay inay beegsadaan meelaha mashquulka badan ee ay shacabku u badan yihiin.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayuu sheegay in dib laga soo sheegi doono, isagoo u mahadceliyey ciidamada halkaas ku joojiyey Gaariga qaraxa siday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qasaaraha qaraxaasi dhaliyey uu yahay mid aad looga naxay, laga cabsi qabo in dhimashada ay gaarto ku dhowaad 100.

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: 1 person, on stage, child, shoes and outdoor
Image may contain: one or more people, people walking, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 1 person, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON