Monday, June 23, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ku dhawaaqay in la baab’iyey heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho [Dhageyso]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ku dhawaaqay in la baabi’iyey heshiisyo ay hore u wada galeen Ganacsatada Muqdisho iyo maamuladii hore ee G/Banaadir.

Shir jaraa’id oo goor dhoweyd qabtay ayuu kaga dhawaaqay in goobaha danta guud sida Jardiinooyinka iyo Beerihii dowladda hoose lagu soo celinayo danta guud, isla markaana ay u saareen Guddi kasoo shaqeeya, ayna u soo baxeen in Heshiisyada goobahaasi lagu wareejiyay Ganacstada iminka heysata aysan ku imaan qaab sharci ah oo aan tartan loo gelin.

“Laga bilaabo maanta waxaan dib ugala noqday, lana baabi’yey heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo beerihii dowladda Hoose si shacabka Soomaaliyeed loogu soo cleiyo.. ganacstada waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood ah o ka bilaabaneysa manta ay ku banneeyaan, kalana baxaan wixii agab ah ee u yaalla..”

Wuxuu sheegay ciddii arrintan ka hor timaada in tallaabo sharci ah laga qaadayo, ayna maamulka G/Banaadir ka go’an tahay inay dib u soo celiyaan dhulkii danta guud.

Haddaba goobahan waxaa amarkan saameyn doono waxaa ka mida:

1- Beerta Nabadda

2- Kaalimaha shidaal oo ka badan 15

3 iyo goobo kale oo dowladda hoose aya lahayd kuwaasoo ay bixiyeen afar maamul oo ka soo bilaabanaya maamulkii Maxamud Axmed Nuur (Tarsan).

Ma cadda sida amarkan u fuli doono iyo cidda howlahan wadata, waxaana cad inaan muddo bil ah lagu xalin karin goobo la geliyay dhaqaale fara badan oo qaarkood laga dhisay dhismooyin muhiim ah.

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON