Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed, kadib markii uu xilka hayey muddo laba toddobaad ah.
Kualnkii ugu horeeyay ayuu isugu yeeray xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxaana kulanka looga hadlay xaalada Amniga iyo metelaadda dadka ku nool caasimadda Soomaaliya. iyadoo ay ka qeyb galeen kulanka xildhibaannada kasoo horjeeda ee mucaaradka ku ah madaxda dowladda Soomaaliya.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa xildhibaannada ka dhageystay tallooyin ku saabsan loo sugi maro amniga caasimadda iyo furista wadooyinka xiran oo qorshaheeda uu bilaabay, waxayna wararku sheegayaan in guddoomiyaha cusub ee G/banaadir uu doonayo inuu sanadka cusub soo rogo amarro ku saabsan xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta maamulka G/Banaadir.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo taageero weyn ka heystay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa iska fogeeyay xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Muqdisho, waxaana kala dhaxeeyay dagaal siyaasadeed, iyadoo aan la ogeyn in qorshaha iyo dhaqdhaqaaqa Guddoomiyaha cusub ay raali ka tahay madaxtooyada Soomaaliya.