Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyey sababihii Hay’adaha Amniga u kala xireen Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ka hadlay sababihii loo xiray Wadooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiye Yariisow  sheegay in Hay’adaha Amniga dowladda ay u gudbiyeen cabashada shacabka Muqdisho ee ku saabsaneyda ciriiriga galay isu socodkii mahgaalada, isla markaana hay’adaha Anniga ay siiyeen sababtii loo kala xiray magaalada.

Wuxuu intaas ku darya in Hay’adaha amniga ay u sheegeen in ujeedka ay u xireen wadooyinka ay ahayd sidii looga hortegi lahaa qaraxyo, ayna ku qanceen sida uu yiri xogtii ay la wadaageen, iyagoo u soo dhiibay codsi ah inay dadka la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ma sheegin xogta laa wadaagay iyo faahfaahin ku saabsan Qaraxyada laga hortegay, iyo kuwa gacanta lagu dhigay. Isagoo dadka Muqdisho ugu baaqay inay la xiriiraan hay’adaha amniga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax awood ah ku lahayn howlaha sugidda amniga ee caasimadda, waxaana u muuqdaa inuu xiriiriye u noqday hay’adaha amniga iyo dadweynaha Muqdisho oo dhibaato weyn ku qabay howlaha amniga ee lagu xiro wadooyinka Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON