Friday, June 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubaland oo raaligelin ka dalbaday Wakiilka Q/Midoobay James Swan

Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa rali gelin ka dalbaday wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kadib markii uu dhaliilay ereyo ku qornaa qoraal wakiilku u diray Guddiga oo ku saabsanaa Doorashooyinka muranka ka taagan yahay ee Jubbaland.

Xamze ayaa qoraalkiisa ku sheegay inaan loo baahnayn tallaabooyin kale oo la qaado si wax loogu kordhiyo hannaanka qabashada doorashada hoggaanka ee maamulkaasi, isla markaana dhammaan tallaabooyinkii lagama maarnaanka ahaa ay qaadeen guddigooda.

Qoraalka uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland ee Garabka Axmed Madoobe oo jawaab u ahayd James Swan ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadallada ku qornaa warqadda kasoo baxday James Swan, wuxuuna ka dalbaday raalligelin beesha caalamka oo uu ku eedeeyay inay ka beensheegto aragtida dadka Jubbaland.

James Swan iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee AU iyo IGAD ayaa iyagu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo labada hannaan ee is garab socda, isla markaana laga dhigo doorashada mid furan oo qaybaha ay khusayso ay ku wada heshiiyaan.

HOOS KA AKHRISO JAWAABTA GUDDOOMIYAHA GUDAHA DOORASHADA JUBBALAND

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON