Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran oo Magaalada Dhuusamareeb lagu xayiray [Akhriso faahfaahin]

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Maxamed Ismaaciil (Xaliimo yarey) muddo lagu xayiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ee ay ka taliyaan Ahlu suna.

Xaliimo Yarey ayaa la sheegay inay magaalada  Dhuusamareeb ka qabteen Ciidamada Ahlusunna,  la sheegay in laga xayiray dhaqdhaqaaqa, iyadoo la geeyay Guri uu leeyahay maamulka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalo ay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada laga qaaday hubkii ay wateen oo la xiray, iyadoo arrintan loo aaneynayo inaan maamulka Ahlu suna ka war heynin socdaalkeeda.

Xayiraadda Xaliimo Yarey ayaa ku soo beegantay xilli magaalada Dhuusamareeb looga diyaar garoobayo soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON