Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta maamulka G/banaadir ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wixii ka dhacay hoolka shirarka xarunta iyo dhaawaca kasoo gaaray.
“Allaah Ayaa mahad iskaleh oo iga badbaadiyay qaraxii wuxuush-nimada ahaa ee argagaxisada nala beegsadeen waxaan wali la murugeysanahay Asxaabteydi qaaliga ahaa oo wax yar kahor aan wada faraxsaneen daqiiqada kadibna aan kusoo baraarugay anagoo dhulka wada jiifno meesha dhan ay noqotay dhaawac iyo dhimasho iyo burbur.” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo ahaa qofkii ugu dhowaa ee dhinaca bidix ka fadhigay Basiira Cabdi -haweeneyda ahayd madaxa naafada G/banaadir oo lagu tuhunsan yahay qaraxa.
“Wali qalbigeyga wey ka bixi la’dahay wixii meesha ka dhacay Asxaabti meesha nooga shahiiday Allaaha u naxariisto, inta dhaawaca ah ee uu ugu horeeyo gudomiyaha gobolka banaadir Abdirahman Omar Osman Allaaha caafimaad dag dag ah hasiiyo. Aniga waxaa igaaray jab kalxanta ah iyo firir yar ah oo lugta ah iyo muraayadihi hoolka oo wajiga iga dhaawacay, alxamdulilaah ilaahey intaas iigu simay ayaa mahad iskaleh..” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Xamarweyne oo si la yaab leh uga badbaaday qaraxaasi marka loo eego dadkii ay isu dhowaayeen.