Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta qabtay Doorashada labo kursi oo ka mida Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka.
Kursiga HOP025 waxa kusoo baxay Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ahaa Gudoomiyihii Degmada Deyniile, kaasoo loo qaaday codka kalsoonida, isla markaana helay 100 Ergo, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartami lahaa ee Xasan Cali Cismaan.
Jacfar ayaa ka mid ahaa Hay’adda NISA, qeybna ka ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii badbaado Qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii uu ku dhaqaaqay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sabbaay dagallo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
Kursiga HOP081 waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen) oo cod gacantaag ah ay ugu codeeyeen ergo dhan 72, kadib markii ay tartanka isga hartay Nasro Maxamed Dalabeey oo la tartami lahayd. Ergada goobta soo xaadiray ayaa hayad 71, waa tii ugu yareyd ee kursi ku doorata Dhuusamareeb. waxaa kursigan hore ugu fadhisay Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim.
Guddiga Doorashada Galmudug waxay i shaaciyeen In Maxamed Abuukar Jacfar uu ku guuleystay kursiga Sumadiisu tahay Hop#025, halka kursiga Hop#081 ay ku guuleystay Cadar Cali Maxamed.
Ma jirin tartan iyo cod loo qaaday labada kursi, iyadoo ay laba kursiba ku soo baxeen gacantaag, markii ay tartanka uisga hareen laha musharax (Malxiis) oo lagu qoray kuraasta.
