Waxaa goor dhoweyd soo gabagabowday Doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare waxaa si adag ugu tartamay musharixiinta kala ah:
1- Cali Shacbaan Ibraahim
2- Iyo C/xakiim Macalin Axmed
Natiijada oo hal wareeg lagu kala baxayey waxay noqotay mid aan lagu kala bixin oo labada musharax ay heleen codad isku mid ah, Musharax Cali Shacbaan Ibraahim ayaa helay 27 cod oo cod ka mida uu shaku galay markii calaamad ka duwan tii la tabay lagu qoray. Halka musharax C/xakiin Macalin Axmed uu isna ka helay 27 cod.
Doorashdan adag ayaa lagu kala bixin, waxaana Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare uu ku dhawaaqay in Doorashada lagu celinayo, markii codka shakiga galay loogu codeeyay Musharax Cali Shabcaan.
Wareegii labaad waxay guushii raacday Senator Cali shacbaan (Halkan ka Akhriso)


