Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa afka furtay oo weerar shaqsi ah ku aaday xildhibaan Warsaame Joodax oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Joodax oo ka hadlay xaaladda amniga Muqdisho ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in Guddoomiyaha G/Banaadir loo xil saaray Gobolka Banaadir ee aanay ahayn inuu ku mashquulo siyaasad, isagoo u soo jeediyey inuu u soo jeesto amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya kuna shaqeeyo maamullada degmooyinka iyo sirdoonka.
Arrintan ayaa keentay inuu Duqa Muqdisho weerar shaqsi ah ku qaado Xildhibaanka isagoo baraha bulshada ku faafiyey farriin uu ku yiri: “Xildhibaan Warsame Joodax oo Waaxdii Waaberi ee shacabka loogu adeegayey uu ku doodayo sharci baan u heystaa, kadibna aan dantii Guud ku soo celinay, waxey aheyd inuu oggolaado halka uu Warbaahinta ka ceytamayo. Shaqsi goob Dan Guud si gaar ah uma isticmaali karo…”
DHAGEYSO: Codka Xildhibaan Warsame Joodax
Guddoomiye Yariisow ayaa hore dagaal baraha bulshada ula galay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, waxaana muddooyinkii danbe laga dareemay kalsooni darro siyaasadeed oo keentay inuu u dhaqo afhayeenk dowladda Soomaaliya oo kale.