Is-rasaaseyn xalay xilli danbe ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay Guddoomiyihii degemada Hodon ee magaalada Muqdisho Cabdixakiin Ciise Dhagajuun.
Falkan ayaa Saqdii Dhexe ee xalay ka dhacay Isgoyska Jidka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in Gaari uu la socday ay rasaas ku fureen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska, kana tirsan ciidamada Amniga ee dowladda, kadiba markii is-rasaaseyn dhex martay ciidamadaasi iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Hodon.
Dika Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun ayaa ahaa mid naxdin ah oo, haddana lama filaan ah , isagoo shalay uun dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, markii lagu soo daweeyay dalka Turkiga oo uu aaday kadib dhaawac kasoo gaaray qarax miino oo lala beegsaday.
Lama oga sababta keentay in ciidamada dowladda ay dilaan Guddoomiyaha degmada Hodon, iyo inuu falkan yahay shil ama ula-kac, iyadoo aysan wax war ah dilkiisa kasoo saarin maamulka Gobolka Banaadir iyo hayadaha dowladda waxaana soo baxaya warar kala duwan oo falkan naxdinta leh ku saabsan.
Warkii ugu danbeeyay ee uu bartiisa Facebook ku qoray ayaa u dhignaa sidan: “Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay. Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo. Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah. Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan“.
Mas’uuliyiin iyo xildhibanno ayaa tacsi u diray geerida Guddoomiyihii Degmada Hodon, waxaana meydkiisa la geeyay Isbitaalka Erdogan (Ex. Digfer) iyadoo la filayo in maanta lagu aaso Muqdisho.