Saturday, July 5, 2025

Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2021 oo Muqdisho ku Geeriyooday

Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ee Dalka C/llaahi Abyan Nuur ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Geerida Guddoomiyaha Guddiga Xalinta khilaafkaad Doorashada ee 2021 ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun muddo hayey, isagoo la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martini; waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madax badan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo madaxda mucaaradka.

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa dhowaan noqday Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee dalka 2021.

Wuxuu hore u soo noqday wasiir ka tirsan dowladii KMG ah, isagoo xilal kala duwan oo xildhibaannimo iyo wasiir kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON