Sunday, July 13, 2025

Hadalkii Cabdi Xaashi ee Saameynta badan yeeshay iyo Socodkii Khiyaanada ee Farmaajo dalbaday (Akhriso)

Waxaa si weyn baraha bulshada looga hadal hayaa hadal ku jiray khudbad uu xalay goob madal ah ka jeediyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu xilka hayey iyo khilaafka ka taagan Doorashada Somaliland.

Cabdi Xaashi oo soo qaatay Qorshe uu Farmaajo u dhigay si uu dadka ugu khaldo inuu la heshiiyay, wuxuuna yiri: “Anigoo xafiiskeyga fadhiga ayuu Farmaajo ii yeeray, markii aan u tegay waxaa la fadhiyey Mursal… kadib wuxuu nagu yiri: Arrin baa taariikh geli doontee wax yar i suga: waan soo kaajeyaaye, dabcan waayahay ayaanu niri… Kolkii uu nagu soo noqday wuxuu nagu yiri: Safiirka Turkiga ayaan ballan kula leenahay Villa Uganda, waan lugeyneynaa ee na keena.. halkaas ayaan warkeena ku kala qaadaneynaa.. markii aan soo baxnay waxaan la kullanay shan ilaa lix sawir-qaadeyaal fara badan oo na sawirtay.. Saddexdeena waanu lugeynay ilaa Villa Hargeysa.. markii aan soo noqonay ayaan weydiiyay.. maxay ahaayeen dadkan Kaamerooyinka waaweyn wata, wuxuu iigu jawaabay: Waa Sawir-qaadayaashii Madaxtooyada… ma jirin wax aan ku heshiinay iyo wax aan isla gaarnay… habeenkii waxaan TV-ga ka arkay saddexdeenii oo wada soconna oo la leeyahay: ‘WAA HESHIIYEEN’..” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in Kaamerooyin been ah dalka lagu kharibay.

Wuxuu beeniyey inuu RW Rooble ka codsaday hal maalin oo uu talo kusoo celiyo, markii Rooble dalbaday inuu kusoo wareejiyo arrinta Doorashada Somaliland..! sida uu faafiyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha, balse uu u sheegay inuu la noqonayo go’aanka, kadibna uu arkay wax la mida sidii uu Farmaajo ku sameeyay in sawirro laga qaato oo Warkaasi laga faafiyey.

Hadalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo bandhigay qaar ka mida dhaqamadii uu ku arkay Maxamed Farmaajo, sida uu uga been sheego xaqiiqada ayaa dhinaca kale iska diiday maqanuunin iyo xaqdarro uu ka tabanayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Arrintan ayaa keentay in Taageerayaasha Farmaajo ay weerar ku qaadaan Cabdi Xaashi iyagoo soo qaatay qeyb yar oo ka mida khudbadiisii, kuna saabsan “Madaxweynuhu wuxuu yiri: waan soo kaadinayaa”, waxayna ugu baaqeen inuu yahay Oday aan caadi ahayn oo ay tahay inuu nasto.

Garnaqsiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ee ku saabsan Qorshaha lagu doonayo in lagu boobo Doorashada xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Dirta Waqooyi ayaa muuqata in loo bedelay xafiiltan iyo dacaayad hal erey oo ku jiray khudbadii Cabdi Xaashi C/llaahi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON