Monday, June 23, 2025

Halkee ku danbeeyay Shirkii Garowe ee Farmaajo ku baaqay..? (Kulanka Baydhaba & Beesha Caalamka)

Maanta oo ku beegan 15-ka Febraayo waxaa lagu waday inay shir isugu yimaadaan magaalada Garowe madaxda dowladda Federalka iyo maamul Goboleedyada si loo sii wado wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee lagu kala tegay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo Puntland, Jubaland, ururrada bulshada iyo Musharixiinta soo jeediyeen in lagu qabto Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaan meesha ka baxay, markii madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu diiday magaalada uu soo jeediyay ee Garowe, waxaana shirkii loo bedelay shir kale oo Guddiyo farsamo ku yeelanayaan magaalada Baydhaba.

Puntland iyo Jubbaland waxay caddeeyeen inaysan Madaxweyne u aqoonsaneyn Maxamed C/llaahi Farmaajo, maadaama muddo xileedka dowladdiisa oo afar sano ahaa uu dhammaaday 8-dii bishan Februray 2021.

Ad

Shirka Baydhaba waxaa ka qeyb galaya 14 xubnood oo kala kala socda Xukuumadda Federaalka, shanta maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir, waxaana qabanqaabada arrintan gacan ka geystay Beesha Caalamka oo cadaadis ku saareysa dhinacyada Soomaalida in marka hore ay Guddiga Farsamada soo bandhigaan xalalka arrimaha la isku hayo.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid ayaa sheegay in Shirka uu daba socdo shirkii wadatashiga Qaran ee D oorashooyinka, iyadoo guddiga uu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrimaha la isku hayo, una gogol xaari doono shirka ay madaxda isugu iman doonto.

Guddigan ayaa dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya cidna ugu mid ahayn marka laga reebo xukuumadda xil gaarsiinta oo laba xubnood ku leh, taasoo muujineysa inu yaraaday doorkii Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON