Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saay Wrp-saxaafadeed uu k usheegay inuu ka hortegay, isla markaana joojiyey heshiisyada waawayn ee ay Hay’adaha Dowladdu doonayeen inay galaan xilligan kala-guurka ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inaan wax heshiis la geli karin inta nta laga ansixinayo Xukuumad rasmi ah. Arrinkan ayaa yimid kaddib markii uu sheegay Xafiiska inuu ka war helay qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda oo billaabay hannaan ay ku galayaan heshiisyo ay ku baxayso malaayiin doollar.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
War-Saxaafadeed
Muqdisho, 18 Luulyo, 2022
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah Hay’adaha DFS ay billaabeen qorshaha hannaan lagu meelmarinayo dhaqangalinta heshiisyo waa wayn (concession contracts) oo ku kacaya malaayiin doollar kuwaas dalka ku yeelanaya saamayn dhaqaale oo taban.
Xafiiska ayaa ka hortagay isla markaasna joojiyay heshiisyadaas isaga oo ku wargaliyay dhammaan Hay’adaha Dowladda in aysan gali karin heshiisyo inta laga helayo Xukuumad rasmi ah oo xilka la wareegta. Ugu danbayn, Xafiiska ayaa arrinkan horay uga soo saaray warqad uu ku joojiyay gelitaanka heshiisyada waa wayn inta lagu guda jiro waqtiga xilgaarsiinta.