Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo uga warbixiyey howlaha uu wado xafiiska hantidhowrka.
Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa, wuxuuna guddiga uga warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuqmaasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.
“Xafiiskeyga hawlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musumaasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena waan ku daba jirnaa. Sidoo kale waxaan idiin balanqaaadayaa in isla xisaabtanka aan wado inaan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, hadda waxaa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowraha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.
“Aad baa u bogaadinaya hawsha wanaagsan ee ka socota xafiiska Hanti dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga Hanti dhowraha waan ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah waan ku biirineynaa”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.