Monday, June 23, 2025

Haweeney loo magacaabay ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa haweeney u magacaabay inay noqoto ku xigeenka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Faadumo Cabdi Cali ayaa ka mid ahayd shaqaalaha xafiiska, laakiin waxaa loo dalacsiiyey Ku-Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Qaar ka mida shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ku tilmaamay haweeneydan Faadumo Cabdi inay tahay qof ka dhex muuqatay shaqaalaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxayna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee xilkan qabata muddooyinkan.

Ad

Xilligan kala-guurka ah ee dowladda Federaalka ayaa waxaa weli socda magacaabis, xil ka qaadis iyo kala bedelid, iyadoo ay ahayd in la joojiyo inta ay dalka ka dhaceyso Doorasho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON