Monday, June 23, 2025

Haweeneydii labaad oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare iyo sidii ay kusoo baxday (Akhriso)

Waxaa magaalada Baydhabo ka socda Doorashada shan kursi oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana goor dhoweyd la doortay kursigii labaad.

Kursigan oo ahaa kii labaad oo ay haween kaliya ku tartameen ayaa wuxuu madaxweynaha K/Galbeed u soo sharxay mushirixiinta kala ah: Ayaan Aadan C/llaahi iyo Farxiya Nuur Aadan oo labaduba ku cusub siyaasadda.

Waxaa si weyn loo hadal hayey inay kursigan kusoo bixi doonto Ayaan Aadan oo taageero ka heysatay Madaxweynaha K/Galbeed, isla markaana u janjerta dhinaca madaxweynaha xilkiisu dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ad

Natiijadii codadkii la dhiibatay ayaa noqotay inay codad badan oo aqlabiyad ah kusoo baxday Ayaan Aadan C/llaahi oo noqtay haweeneydii labaad ee loo doorto Senatoorad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad iyo Aqalka sare ee labaad.

Natiijadii doorashada oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed ayaa noqotay: inay ku guuleysato Ayaan Aadan C/llaahi oo heshay 79 Cod, halka musharax Farxiyo Nuur Aadan ay ka heshay 8 cod oo kaliya.

Natiijada Doorashada Aqalka Sare ayaa ah mid inta badan la ogyahay oo ay soo xuleen madaxda maamul Goboleedyada

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON