Monday, June 23, 2025

Haweeneydii ugu horeysay ee Ciidamada Booliska ka gaarta Sareeye Guuto oo loo xiray Darajada [Sawirro]

Ra’iisal wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wakiishay madaxweynaha Soomaaliya ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay haweeneydii gu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran guuleysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada ka mida xuquuqdeeda la siin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah.. Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda” ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 16-kii August, 2018 darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed.

B

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON