Wednesday, July 2, 2025

Hay’adda Nabadsugidda ee NISA oo shaacisay in la qabtay Qofkii soo maleegay Weerarkii Hotel Saxafi [Akhriso]

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay qof la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay ee maleegay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay NISA oo lagu qoray Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan si taxadar leh loo fuliyay, isla markaasina qofkan oo aan la shaacin magaciisa iyo cidda uu ka tirsan yahay lagu wareejinayo hay’adaha garsoorka dalka si sharciga loo horgeeyo.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo aan bixin wax faahfaahin ah.

Hay’adda NISA ayaa muddooyinkii danbe soo saarta qoraallo kooban oo ka hadlaya howlgallo iyo xubno la qabtay iyadoo aanay jirin cid xaqiijin karta, mana jiro faahfaahin laga bixiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON