Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa baahisay muuqaallada laba sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda Amniga dowladda Federaalka kuwaas oo baxsaday, laguna eedeeyay inay Alshabaab ka tirsanaayeen.
Hay’adda ayaa sheegtay in labadan xubnood oo basaasiin u ahaa Alshabaab ay ku dhex jireen Hay’adaha amniga oo sirta u gudbin jiray Alshababa, ayna baxsadeen, markii baaritaan lagu bilaabay.
Labda sarkaal ee NISA raadineyso ayaa kala ah: Cabdisataar C/qaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali, balse lama shaacin hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo xilalkii ay hayeen.
“Hay’adda NISA waxa ay raadinaysaa Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo baxsad ah, Fadlan haddii aad hesho xog horseedi karta in la qabto la soo xiriir hay’adaha ammaanka”.” ayaa lagu yiri qoraaalka kasoo baxay Hay’adda NISA.