Sunday, June 22, 2025

Hay’adda NISA oo furtay Xafiis Nooc cusub ah oo Qabanaya Shaqadii Maxkamadaha

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA magaalada Muqdisho laga furay ‘Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha’, waxaana furistiisa ka qeyb galay madax uu ka mid yahya Ra’iisal wasaaraha.

Xafiiskan ayey shaacisay Hay’adda NISA inay shaqadiisu noqon doonto qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan oo la faafiyay lambaro telefoon oo laga helo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamsa Cabdi Barre oo furay xafiiskan ayaa bogaadiyay hirgelinta xafiiska garmaqalka Dadweynaha oo uu shegay inuu sii adkaynayo kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Hay’adda NISA.

Ad

Xafiiskan ayaa u muuqda inuu qabanayo shaqadii Maxkamadaha ee garsoorka, maadaama sharciga Hay’adda uu awood u siinayo xubnaha NISA inaan la dacwad lagu soo oogi karin, iyadoo aanu ogolaan agaasimaha Hay’adda.

Waxaa furitaanka Xafiiska gobjoog ka ahaan Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud, Guddoonka Maxkamada Ciidamadda iyo Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON