Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa caawa shaacisay inay xeer ilaalinta Qaranka u gudbisay Dacwad ay kusoo oogtay Weriye Haaruun Macruuf Xasan oo ka shaqeeya Idaacadda VOA ee Mareykanka.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu yiri: “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon..”
Ma jirto wax faahdaahin ah oo NISA ka bixisay dacwadda ka dhanka ah Weriyahan oo degan dalka Mareykanka, laakiin qoraal ay hore u soo saartay ku sheegtay inay talaabo sharci ah ka qaadeyso Harun Macruf, oo ay ku eedeysay inuu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka.