Thursday, July 3, 2025

Heshiis lagu gaaray in 48 Saacadood Muqdisho looga saaro Ciidamada taageersanaa Mucaaradka (Akhriso)

Waxaa heshiis ka kooban 10 Qodob lagu gaaray shir Muqdisho uga socday Guddi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno oo loo saaray qalalaasihii ka dhacay Muddo kordhinta iyo ciidamada soo galay casimadda.

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mida in muddo 48 saacadood ah oo ka bilaabata maanta loo saaro caasimadda ciidamadii ka hor yimid muddo kororsiga ee qabsaday xaafado ka mida.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida: Inaysan ku milmin arrimaha Siyaasadda iyo inaysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Heshiiskan la gaaray waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaashii hore madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, guddigii arrintan loo xilsaaray.

May be an image of one or more people, people sitting and text that says 'Happening now'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON