Saturday, June 28, 2025

Hirshabeelle oo shaacisay Kuraastii ugu danbeysay ee Beledweyne & Xubno caan ah oo Berri la dooranayo

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay Qaybtii 2aad kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Magaalada Beledweyne ee Dowlada Hirshabeelle.

11 Kursi oo ah kuwii ugu dambeeyay ee yaalla Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si gaara u leh beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel oo ah beelaha ugu badan ee dega magaalada Beledweyne iyo agagaarkeeda.

Dhinca kale waxaa maanta shahaado musharaxnimo la siiyey 12 musharax oo utaagan lix kursi oo la filayo in Berri lagu doorto magaalada Beledweyne, kuwaasoo ah qeybtii labaad ee kuraasta taalla magaaladaasi.

Musharixiinta lagu wado inay kusoo baxaan Doorashad Berri waxaa ka mida afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, Wasiirku xigeenkii hore ee Dekadaha Cusmaan Maxamed Daallo iyo Wasiirka Ganacsiga Khaliif Cumar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON