Friday, June 27, 2025

Hoggaamiyaha Tigray: “Duqeyn Culus ayaa nagu socota…” Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Magaalada Makelle

Hoggaamiyaha Maamulka Tigray ayaa shaaciyey goor dhoweyd in ciidamada Itoobiya ay duqeyn culus ku bilaabeen magaalada Maakelle ee caasimadda Gobolka Tigray, iyadoo uu bilowday dagaalkii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa qoraal uu u diray wakaalada wararka ee Reuters ku sheegay inay duqeyn culus ku socoto, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay ku lug leeyihiin dagaalka ayna weerarro ku qaadayaan xeryaha qaxootiga Tigray oo ay ku jiraan dadka kasoo cararray Eritrea.

Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum ayaa isna sheegay in inaysan ciidamada Itoobiya Duqeyneynin gobaha shacabka degan yigiin ee magaalada Makelle, ayna ka go’an tahay inay ilaalinta bedqabka shacabka.

Xaaladda ayaa cakiran iyadoo dhammaan isgaarsiinta ay ka go’an tahay Gobolka Tigray ayaan la xaqiijin karin waxa ka socda gudaha Gobolkaasi oo toddobaadkii saddexaad ay ciidamada Itoobiya weerarro culus ka wadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON