Wednesday, June 25, 2025

Hoobiyeyaal lagu weerarray xarumaha AMISOM iyo UN-ka ee Xalane & Faahfaahinta Qasaaraha ka dhashay..

Weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa lagu weeraray maant xarunta xalane ee dhinaca ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo xarumo u ah ciidamada AMISOM, xafiiska UN-ka ee Somalia iyo safaarado dhowr ah.

Faahfaahin laga helay gudaha xalane ayaa sheegeysa in ilaa 6 Hoobiye ay ku dhaceen gudaha xarunta Xalan ee sida weyn loo ilaalyo waxaana u dhaawacay askar ka tirsan AMISOM iyo shaqaale dhismo, waxaana la sheegay in dadka dhaawacmay ay 3 ka mida ahaayeen ciidamo ka tiran AMISOM, halka 3 kale ay ahaayeen shaqaalaha dhismaha iyo qof shaqaale ajnabi ah.

Kadib Madficii ugu horeeyay ayaa la sheegay in shaqaalaha xerada Xalane ka howlgala lagu wargeliyey inay galaan goobaha gabbaadka ah ee loogu talogaay. Ma jirto weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxday AMISOM, UNSOM iyo dowladda Somalia.

Alshabaab ayaa hore weerarro noocan oo kale ah ugu qaaday xerada Xalane, iyadoo aysan ciidamada dowladda ku guuleysan inay ka hortagaan weerarrada hoobiyeyaasha ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON