Hooyo Soomaaliyeed oo degan dalka Turkiga ayaa ka codsatay Madaxda Dowladda Soomaaliya inay gacan k siiyaan sidii loo heli lahaa gabar ay dhashay oo muddo 16 maalmood ah ka maqan.
Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad waxay umadda Soomaaliyeed iyo madaxa oo dhan ka codsatay inay arrinteeda wax ka qabtaan oo gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax loo soo celiyo, waxayna sheegtay in habeenkii 26 June uu gaari ka qaaday Gurigeeda u dhow xarunta NISA, ayna hayaan sawirka Gaarigii ay raacday.
Qoyska waxay sheegeen inay qiyaasayaan in Ikraan oo ka shaqeneysay xafiiska Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir ay waxbarasho u aaday Ingiriiska, markii ay soo noqotayna la afduubtay oo ay ku tuhmayaan xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA.
Gabadha la raadinayo ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa deganeyd inta u dhaceysa Hotel Global iyo KM 0, hakaas oo u xiran ciidamada NISA, gaari kastana aanu geli karin, waxaana loo baaqay dadka heysta gabadhaasi inay xoriyadeeda usoo celiyeen.
