Wararka laga helayo Gobolka Mudug, qeybta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab iyo Gaari ay wateen.
Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa gacanta ku dhigay horjoogeyaashii Maaliyadda iyo horjoogihii dhinaca tababarrada u qaabilsanaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab ee Gobolka Mudug.
Howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Xiin-Lebi iyo Baraag-Ciise ee koonfurta gobolka Mudug, waxayna ka koobnaayeen xubnaha la qabtay laba horjooge iyo Darawalkii Gaariga u waday.
Guddoomiyaha Degaanka Bajeela ee gobolka mudug Maxamed shuuke Abshir ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ay gacanta kuuso dhigeen laba horjooge oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo Gaariga uu saarnaa rashiin ay khawaarijtu kasoo dhaceen dadka degaanka, sida uu yiri.
