Thursday, April 25, 2024

Xisbiga Sheekh Shariif oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay Qorshe muddo kororsi ah

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu so saaray ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu wado Qorshe muddo kororsi ah.

Qoraalka Xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay dhowraan Sharciga, kana fogaadaan muddo kororsi xileed oo horseedi kara jaha wareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Xisbiga Sheekh Shraiif hoggamaiyo ayaa caddeyay inuu aaminsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaalada Baydhabo, kaasoo uu garwadeenkana uu ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu ahaa mid u gogol xaaraya muddo kororsi ay damacsan yihiin hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.

Ad

Arrintan ayaa loo arkaa soo shaac baa diidmo weyn oo Sheekh Shariif ka qabo qaabka hoggaaminta Maaxweyne Xasn Sheekh ee dalka, waana mowqifkii ugu cuslaa ee Xisbigiisa kasoo baxa xilli Xasan Sheekh ay bilo kooban uga harsan yihiin sanadguuradii koowaad ee markii dib loo doortay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON