Ciidamada deegaanka ee Macawisleyda ee ka howlgala degaanka degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjooge ka tirsan Alshabaab oo galkaasi si weyn looga yaqaan.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe ayaa la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay degaanada hoostaga degmada Ceeldheer, isagoo dhibaato ku hayey degaandaaasi oo Alshabaab uu wakiil uga ahaa.
Ciidamada degaanka ayaa sidoo kale sheegay inay dileen xubin kale oo Alshabaab ka tirsan magaciisaba lagu sheegay Ilkacase, kaasoo ka mid ahaa horjoogayaasha Alshabaab ee degaankaasi.
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howgalka qorsheysan ee raggana lagu qaaday ay fuliyeen Ciidamadda dowladda oo ay wehliyaan ciidamadda degaanka.