Thursday, June 26, 2025

Howsha Guddiga Farsamo ee Rooble u magacaabay maamulka Doorashada oo la shaaciyey (4 Qodob)

Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaacisay shaqada ay qaban doonaan Guddiga Farsamada ee maamulka Doorashada dadban ee uu shalay magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May.

Guddiga ayaa xiriirin doona Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, ayna taageero farsamo siin doonaan Guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka. Waxayna Guddiga farsamada ay kulankoodii ugu horeeyay maanta.

Shaqada uu Guddigan ka taageeri doono Ra’iisal wasaaraha ayaa kala ah:

1- In qodobadii heshiiska shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2 – Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si  loo  hagaajiyo habsami u xiriirka hay’adaha wada shaqeynaayo

3- In taageero farsamo uu siiyo Guddiyada doorashooyinka.

4. Xiriirinta Xafiirka Ra’iisal wasaaraha, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka.

Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed  SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Kooxdan Ra’isul Wasaaruhu magacaabay waxaa lagu sheegau inay shaqadoodu ku kooban tahay inay farsamo ahaan gacansiiyaan Guddiyada Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON